Skip to content

Xafiiska dhexdhexaadinta Helsinki

Dhexdhexaadinta danbiyada iyo khilaafaadka

Heshiisku wuxuu ku siinayaa fursad

  • looga wada hadlo wixii dhacay
  • wuxuu ku siinayaa fursad waxaa qabto la dhagaysto
  • waxaad fursad u helaysaa inaad ka hadasho wixii dhacay iyo wixii dareenkaaga la xiriira
  • waxaad masuuliyadeeda qaadaysaa wixii aad waxyeelo geeysatay
  • waxaad ka wada heshiinaysaan waxyeelada sidii loo magdhabi lahaa
  • waxaa fursad u helaysaa sidii aad ku khafiifin lahayd denbiga ama
  • waxa la isku hayo wixii dhib ah ee uu keenay
  • waxaad ka bogsoonaysaa wixii dhacay
  • waxaad dadajinaysaa denbiga- ama waxa la isku hayo sidoo looga gar-qaybsan lahaa
  • waxaad saamayn ku yeelanaysaa arinta sidii loo sii gudo-geli lahaa

Hesheesku waa fursad – ee aynu heshiis samayno

Denbiyada iyo waxa muranka iyo haysashada ah ee dadka u dhexeeya heshiisiintooda ama ka garqaybintoodu waxay ka jirtaa Finland oo dhan

  • inaad gar-qaybsigaas tagto waa arin aad xor u tahay oo khasab maaha waana lacag la’aan
  • arintaada waxaa looga gar-qaybinayaa si cadaalad ah oo dhexdhexaad ah oo aad ku kalsoon kartid in aan waxaaga la faa’fin oo cidna loo sheegin
  • waxayna arintani ku salaysan tahay xeerka gar-qaybsigaga ee 1015/2005)

Gar-qaybsiga labada daraf ee is haya ayaa isa soo hor fariista oo ka wada hadla denbiga ama wixii dhex yaal waxa u sababka ah inay ka wada hadlaan. 

Haddafka iyo ujeedadeenu waxay tahay in labada daraf ee dhibku ka dhexeeyaa ay helaan dhexdooda xal ay ku qanacsan yihiin iyo qaab ay wixii ay isku geeysteen oo kala gaaray isugu gudi lahaayeen. 

Arimaha badanaa laga gar-qaybiyaa waxay yihiin sida caadiga denbiyada dilitaanka ah, denbiyada hantida la waxyeeleeyo ama murano is qab-qabi ah oo kala gedisan. 

Heshiisiinta gar-qaybisga ah waxaa fadhin kara waalidka, wakiilo iyo turjubaan. 

Heshiisiinta waxaa isticmaali kartaa qareen ku caawiya iyo qof taageere ama caawiye kuu ah. 

Heshiiska gar-qaybta ah in lagalo waxaa shardi u ah in dhamaan darafyada is hayaa ay ogol yihiin in gar-qaybsigan la sameeyo. Ogolaanshaha waxaa sidoo kale laga rabaa caruurta aan qaan-gaarka ahayn iyo dadka ka masuulka ah iyo sidoo kale haddii loo baahdo ciddii kale ee si sharciyan ah ilmaha uga masuulka ah. 

Dadka idiin gar-qaybinayaa waxaa weeye dad shaqadan loo tababaray, iskood u shaqaynaya oo aan lacag qaadanayn oo ay dusha kala socdaan oo hagayaan dad khuburo ah oo ilaalinaya.

In la heshiiyo waxaa soo jeedin kara

  • denbiga ama muranku dadka uu dhexyaal
  • dadka ilmaha ka msuulka ah ama wakiilka u ah
  • booliska, xeer ilaaliyaha ama qof kale oo hawl-wadeen dawladdeed ah

Bilowga heshiiska waxaa laga bilaabaa oo codsiga loo diraa xafiiska dadka heshiisiiya Dagaalada qoyska dhexdooda ka dhaca waxaa kaliya oo codsan kara in dadkaas la dhexhdexaadiyo booliska ama xeer ilaaliyaha. 

Xafiiska u gar-qaybinta ama dadka heshiisa shaqaalihiisa xirfadda leh ayaa waxay soo ogaadaan in arintu ku haboon tahay heshiisiin, kalana tashada dadka wax kasta oo arinta ku saabsna. 

Dhamaan waxa xafiisyo heshiiseen ama gar-qaybin jira meelaha ay ku yaaliin iyo halka laga helo waxaad ka helaysaa ciwaanka internetka www.thl.fi/sovittelu.

Sida ay heshiisiintu u dhacdo

Xafiiska heshiisiinta ayaa marka hore la xiriira darafyada is haya oo wuxuu u sheegaa

  • heshiisiinta iyo qiimaha ay lee yihiin ama waxa ay yihiin
  • darafyada shirka heshiisiinta imaanaya iyo mid kasta darajadiisa ama doorkiisa
  • heshiisiinta iyo qiimaha ay lee yihiin ama waxa ay yihiin darafyada shirka heshiisiinta imaanaya iyo mid kasta darajadiisa ama doorkiisa

Haddi heshiisiinta ama gar-qaybtu ay bilaabato, dadka wax heshiisiinaya ayaa balanta qabta oo isugu yeera dadka.

 Darafyada shirka fadhiya ayaa ah kuwa iyagu agtifka ah oo wada hadlaya. Sidii wax u dhaceen ayaa waxaa looga sheekaystaa qaab dagan oo qofba qofka kale dhagaysanyo. 

Haddii darafyada is hayaa ay heshiis gaaraan, waxaa loo kala qoraa heshiis qoraal ah, heshiiska oo dadka heshiiska ka dhex wadaa ay saxiixaan oo hubiyaan. 

Darafyada is haya ee wada hadalku dhex marayaa wakhtigay rabaan ayeey heshiiska oo socda joojin karaan.

Macluumaadka xiriirka 

  • Xafiiska dhexdhexaadinta Helsinki

  • 020 696 014
  • Aleksanterinkatu 24 (dabaqa 3aad)
    00170 Helsinki

    Isniin illaa jimco saacadda 10:00 – 16:00